TOP DHAGEYSO:- Masuul sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku fashilantay Wax ka qabashada Dilalka ku soo laabta Magaalada Caabudwaaq

0

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Caabud-waaq oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay Dilalkii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Caabud-waaq.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya in looga baahan yahay in ay wax ka qabato xaalada ka jirta Magaalada Caabud-waaq oo maalmahan xaalad amni daro ay ka jirtay.

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ku eedeeyay in aysan dan iyo Hiilo ka laheyn Magaalada Caabud-waaq.

Ugu dambeyntii waxa uu baaq u diray Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha Amniga, isagoo ugu baaqay in ay soo fara geliyaan xaalada ka taagan Magaalada Caabud-waaq, oo ay ciidamo Dowladda ka tirsan ay u sooo diraan si ay u sugaan Amniga Degmada.

HALKAAN KA DHAGEYSO