DAAWO:- Gabar Wariye ah Shaqadeeda ku weysay Sawir laga qaaday

0

Haweeney ka tirsaneyd weriyeyaal ka howgala talefishin laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa shaqadeeda ku weysay sawir laga qaaday iyadoo xiran Okiyaalaha iftiinka qoraxda la isaga celiyo iyo dalad ay kaga ganaeysay kulka Cadceeda.

Suxufiyadan oo aan la sheegin magaceeda ayaa sawir laga qaaday iyadoo wareysiyo ku saabsan duufaanta Typhoon Meranti ka duubaysa dadka ku nool magaalada Xiamen, waxaana Barnaamijka ay duubaysay uu qeyb ka ahaa sidii gacan loo siin lahaa shacabka magaalada ee duufaantaasi ay saameysay.

Sida ay sheegeen maamulka TV-ga ay ka howlgaleysay muuqaalkeeda wuxuu ahaa mid ka duwan kan dadkii mutadawiciinta ahaa ee ay wareysiga ka qaadeysay, kuwaasoo ka shaqeynayay nadaafadda, waxaana lagu eedeeyey gabadhan iney ka muuqatay isla weyni iyo iney cagaheeda ka ilaalineysay haraaga qashinka duufaanta.

Baraha bulshada ayaa Sawirradeeda aad loogu baahiyay, waxaana lagu eedeeyay inaysan xirfad lahayn.

Qoraal laga soo saaray Xarunta TV-ga Xiamen ayaa lagu sheegay in Mid ka mid ah saxafiyiintooda aysan u hogaansamin sharciga, ayna ku guuldareysatay inay si dareen leh wareysiga u qaado.”

“Arrintaasi waxay dhaawacday aragtida weriyayaasi laga qabo, waxayna nagu reebtay saameyn xun oo dhanka bulshada ah.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xarunta TV-ga Xiamen.

Hoos ka Daawo Sawirka:-

saxaa