Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aden Cade Gen. Cabdi Ashkir Jaamac oo wareysi gaar ah siinayay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay warqadii shalay saxaafada looga mamnuucayay garoonka diyaaradaha in ay ahayd warqad qaldan oo aysa ahayn sidaas xaalada.
Gen. Cabdi Ashkir Jaamac ayaa waxa uu sheegay in warqada si qaldan ay u qoreen Xoghayntiisa isaguna isagoo aan eegin uu saxiixay balse macnuhu uu ahayn in saxaafada laga mamnuucay garoonka diyaaradaha aden cade ujeedkase uu ahaa in Kaamaradaha laga mamnuucay in fasax la’aan lala soo galo garoon.
Wariyaha ayaa waxa uu weeydiiyay Gen. Cabdi Ashkir Jaamac in uu iska saxiixo wax alle waxii loo keeno isagoon akhrin waxa uuna ku jaawabay haa waa dhacdaa mararka qaarkood bini’aadam ayaa nahay.
Dhinaca kale dadka badankii ayaa waxa ay aaminsan yihiin qoraalka kasoo baxay xafiiska maareeyaha garoonka Gen. Cabdi Ashkir Jaamac inay ahayd warqad looga hortagay Musharaxiin kusoo wajahnay maanta iyo maalmaha soo socda magaalada Muqdisho, waloow qorshahaas uu fashilmay kadib markii Bulshada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ay cambaareeyn si wadajir ah ugu jeediyeen qorshaha guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa.
Isku soo wada duuboo Waxaa isweydiin mudan Gen. Cabdi Ashkir Jaamac warqadiisa sida ay u qoran tahay iyo sida uu hadda idaacada BBC-da warka ku siiyay ma tahay wax is leh?