Xulufada Khaliijka oo Saldhig Milatari ka sameysanaya Soomaaliya

0

Isbaheysiga Khaliijka Carabta ayaa waxaa ay Saldhig milatari ka sameysanayaan Waddanka Somaliya,gaar ahaan maamulka gooni isu taagga ee Somaliland.

Maamulkaas ayaa la sheegayaa in uu heshiis la galay Dowladaha Sucuudiga iyo imaaraatka kuwaas oo Soomaaliya horay uga codsaday Saldhug ciidan iyo Ciidan ka qeyb qaata howlgalka ka dhanka Xuuthiyiinta Yemen.

Saldhigga ayaa la sheegayaa in laga siiyay Magaalada Berbera ee Gobolka Waqooyi Galbeed,waxaana saldhiggaasi uu ka kooban yahay Saldhig cirka ah iyo Dekad gaar ah oo ay kala dagaan agabka.

Isbahaysiga ayaa la sheegayaa in la siiyay degaanka Awliyo-Koombe oo 15km Galbeeddka kaga began magaalo xeebeedka Berbera.

Dadka ku dhaqan degaannada maamulka Somaliland ayaa muujinaya walaac la xiriirka heshiiskii dhawaan ee dekadda berbera lagula saxiixday hay’adda DPWorld,saldhiggan cusub iyo sameynta taban ee ka iman karta Dalka Iiraan oo xiisad siyaasadeed ay kala dhaxeyo Waddamada Bariga dhexe.