Mowduucyada Dooda Clinton iyo Trump oo la Shaaciyey iyo Wariyaha Xiriirin doono

0

Wariyaha hagi doona dooda koowaad ee foolka foolka u dhax mari doonta Isniinta soo socota musharaxiinta doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka ee Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa soo saaray saddexda mowduuc ee ay doodda xooga saari doonto.

Dooda musharaxiinta oo uu su’aalaha qeybin doono wariye Lester Holt oo ah wariyaha daadiyaha barnaamijka Nightly News ee ka baxa TV-ga NBC ee dalkan Mareykanka, ayaa lagu falanqen doonaa Jihada ay u socoto Mareykanka, ka guulgaarida Barwaaqada, iyo Amniga Mareykanka.

Mowduuc kasta waxa loo qoondeeyey 15 daqiiqo, waxaana qeyb kasta su’aal ku furi doono wariye Lester Holt, murashax kastaana waxa uu su’aal kastaa uga jawaabi karaa laba daqiiqo.

Dooda ayaa waxaa lagu qaban doonaa hoolka jaamacada Hofstra University ee magaalada labada musharaxba ay kasoo jeedaan ee New York.

donald