XASUUQ:- Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku xasuuqay Shabeelada Hoose

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Muuri ee Gobolka Shabellaha Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM Rasaas ay fureen ay ku dhinteen illaa Lix Qof oo Shacab ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Lixda Qof Ee ay Dileen Ciidamada AMISOM ay ahaayeen Dadka Degaanka Muuri,balse lama Oga Sababta loo dilay Dadka Rayidka ah.

Ciidamada AMISOM ayaa Dhowr Jeer Dad rayid ah ku dilay Gobolada Shabellaha Hoose iyo Hiiraan.

Sidoo kale weli AMISOM kama hadlin Dadka Rayidkaa ee la sheegay in ay ku dileen Degaanka Muuri ee Gobolka Shabellaha Hoose.