FOOTBALL:- Giorgio Chiellini “Juventus marnaba lama mid noqonayso Real Madrid”.

0

(Torino) 16 Sebt 2016 Daafaca kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa sheegay in marnaba kooxdiisu aysan lamid noqon doonin kooxda Real Madrid marka laga hadlo Champions League.

Juventus ayaa 0-0 la dhaafi waysay kooxda Sevilla kulan ka tirsan furitaanka wareega guruubyada ee koobka horyaalada yurub.

Giorgio Chiellini ayaa sheegay in kooxdiisu ay ku dadaalayso inaan laga dhalin goolal isla markaana ay ku adkaato 1-0 ilaa 2-0 balse Real haddii laga dhaliyo 2 ilaa 3 gool wuxuu sheegay inay ku badalayso 6 gool.

“Real Madrid waxay awoodaa inay ku adkaato 6-2, sidoo kale AC.Milan oo haysata Ronaldinho waxay ku badin kartaa 5-2” ayuu u sheegay La Stampa.

chiellini

“Anagu waxaan ku adkaan karnaa 1-0, ama 2-0, taasi waa taariikhda kooxda, waxaan ka hadlaynaa tobanaan sano, ma jirto hal wado oo lawada maro balse koox walba waxay leedahay taariikh ay raacdo taas oo dheheysa ha isku dayin inaad ku adkaato 3-0”.

juve

“Waa inaan hormar samaynaa laakiin ma nihin Real Madrid marnabana lama mid noqon doono, ma lihin tilmaamaha ay leedahay, haddii looga hormaro 2- ilaa 3 gool, ciyaartu waxay ku dhamaanaysaa 6-2”.

“Waxaan nahay koox haddii ay hogaanka hayso aysan ahayn in laga dhaliyo gool”.

gool-fm