XOG+MUUQAAL: Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kenya Maxay Ku Kala Badasheen Qaadista Xayiraada Qaadka?

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyneyaasha Kenya iyo Soomaaliya oo ka qayb galayey shir madaxeedkii dalalka IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa ku heshiiyey in si degdeg ah loo soo afjaro xayiraaddii muddada todobaadka ka badan saarnayd qaadkii Soomaaliya uga imaanayey Kenya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Arrintan inay timid kadib markii madaxweyneyaasha labada waddan, Uhuru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay wadahadal ka yeesheen arrimaha ganacsiga ee qaadkuna uu ka midka yahay, waxaana si rasmi ah u xaqiijisay in xayiraaddii qaadka la qaaday wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamed oo ka qayb galaysay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

Dhinaca kale Waxaa kaloo madaxdu ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii seddex bilood gudahood loo joojin lahaa in lagu baaro garoonka dayaaradaha ee Wajeer duullimaadyada aada Kenya ee ka taga Soomaaliya.

Halkan Hoose ka akhriso qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen:

In la joojiyo gabi ahaanba diyaaradaha Soomaaliya ka duulla ee sii marra Garoonka Magaaladda Wajeer.

In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo visaha dal-kugalka Kenya.

In Bangiyada Kenya ay maalgashadaan dalka Soomaaliya.

In la qaado xayiraada diyaaradaha qaadka ee Kenya ka yimaada

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media