XOG RASMI AH:- Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran oo Isku dheggan

0

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa galay maalintii Saddexaad, iyadoo durbaba uu soo baxayo kala-taagnaan iyo is qab qabsi u dhaxeeya Madaxda, kamana muuqan furitaankii shirka wax waji furnaan ah iyo dhoola cadeyn, sida looga bartay shirarkii hore ee Madasha

Go’aanada shirka laga fili karo ayaan aheyn mid si deg deg ah ku imaan doona, maadaama Madaxdu ay labo labo isku heystaan, xifaaltan badan uu ka dhex jiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa isku calool fiyoobeen, markii hadalo aflagaado ah ay ka soo yeereen C/wali Gaas oo ahaa jawaabtii uu ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in Puntland lagu aas aasay labo gobol iyo bar.

Sidoo kale waxaa Madasha ka soo if baxay kala aragti duwanaan u dhaxeysa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo saaxib dhow ahaa, waxaase iminka muuqda kala shaki soo kala dhex galay.

Waxaa kaloo meesha ku jirta arrinta Musharaxnimada Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, taasoo Madaxweyne Xasan Sheekh ku noqotay culeys miisaan leh, kadib markii uu ka war helay ololaha xil-magacaabista uu waday Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Arrinta kale ee hadal heynta ah ee beryahan jirta ayaa aheyd xiisada Puntland iyo Galmudug ee dhinaca Gaalkacyo, sidoo kale diidmadii Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ee Aqalka sare oo xubno dheeraad ah loogu kordhiyay Puntland.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa isna dab yar shideyn, kadib markii uu horay uga soo hor-jeestay xubnihii aqalka sare ee Somaliland laga jaray, waxaana ka go’an in wax aan u cuntameyn Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi aanu Madasha kala tagi doonin.

Loolanka cusub ee xaga awooda ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa iyana ah arrin meesha ku jirta oo aan sahlaneyn, waxaana ay isku hayaan cida yeelan doonto awooda koowaad ee soo xulista Xildhibaanada Digil iyo Mirifle, waxaana qal-qaliil ku jirta damaca Jawaari uu doonayo inuu dib isugu soo sharaxo Guddoomiye Baarlamaan, maadaama aanu meelna ku heyn Xildhibaanimadiisa.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna loo arkaa midka duwan Madaxdaas, waxaana uu doonayaa inuu ciyaaro shax siyaasadeed ku aadan awooda soo xulista Baarlamaanka labada aqal ee Jubbooyinka oo ay dhici karto inuu kula gor-gortamo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo labaduba aad u daneyna taageerada Axmed Madoobe.

Inkastoo ay adag tahay go’aano la isku raacsan yahay oo xilli hore soo baxa, marka loo eego kala aragti duwnaaanshaha u dhaxeeya iyo dooda ka dhex taagan, ayaa hadana waxaa la saadaalinayaa in kama dambeysta shirka go’aano ka soo baxaan maalinta jimcaha ama ka hor Shir madaxeedka IGAD ee todobaadka soo socda ka dhici doona Muqdisho.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa ah kii ugu dambeeyay oo ay isugu yimaadaan Hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana laga sugayaa taabba-gelinta doorashada labada aqal ee Baarlamaanka oo soo xulistooda ay ka harsan yihiin labo todobaad

Dad badan ayaa aaminsan in shirkan Madasha Wada-tashiga Qaran uu ka adkaan doono shirarkii hore, maadaama ay isku soo aaday dannooyin gaar ah iyo mid guud oo Madaxda qaar ka leeyihiin doorashada soo socota.