Dowladda Britten ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay qataan mas’uuliyada in la taagero Soomaaliya si ay uga baxdo dhibaatada dhinaca amaanka iyo mida siyaasada ee haysata iyo sidii looga taageri lahaa inay ka hortagto dhibaato wali oo dowladnimadeeda ka hor imaanaya.
Wasiir dowlaha Britten ee arimaha bariga dhexe iyo Africa Tobayis Wod ayaa soo saaray bayaan isagoo shir gudoomiyay shir caalami ah oo albaabada u xirnaa loogana hadlay wadciga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku canaantay beesha caalamka gaar ahaan deeq bixiyaasha iyo kuwa taagera ciidanka AMISOM in gacan wayn la siiyo Soomaaliya si ay uga gudubta waxyaabaha ay ka dhaqaaqi la’adahay.
Mr Wud ayaa ka digay dhismaha hay’adaha amaanka Soomaaliya si ay u hantaan amaanka iyo xasilonida dalka si shacabka loo badbaadiyo loona xureeyo degaanada Al-shabab wali ay ku harsan yihiin.
Waxa uu cabiray kulanka ka dhacay London u muujinayo sida Britten ay isku xil saartay amaanka iyo mustaqbalka Somalia waxa uu cadeeyay in dalkiisa Soomaliya ugu deeqay lacag dhan 200Million oo ganiga istarliinka waxana sii dheer 70-askari oo ka howlgallaya xafiiska QM ee Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee saraakisha Midowga Yurub.
Shirka waxaa xaadir ku ahaa wasiiradda heer difaac ee Mareykanka Imaradka Turkiga Kenya Ethiopia iyo Uganda iyo wakiilka QM arimaha Somaliya u qaabilsan mechal Keating.