Afhayeen u hadashay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa Captain Genever Derekiz ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay laba duqeyn ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya waqti hore oo todobaadkani waxana ku dhimatay afar qof oo xubin ka ahaa dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.
Afhayeenka ayaa xaqiijisay in koox si aad ah u hubaysan oo dagaalamayaasha Al-shabab ay weeraren ciidamada isbaheysanaya ee ka qeyb qadanaya dagaalka ka dhanka ah argagexisada oo cidanka qaranka Somaaliya hogaminayaan waxana ay u hanjabeen amaanka iyo nabad galyada askartaasi.
Labadii duqeyn ee ugu danbeeysay ayaa ka dhacday degaanka Tooro toorow ee gobolka Shabellaha hoose isniintii tagtay.
Wasarada difaaca Mareykanka ayaa bishii Jue sheegtay in ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Somalia dhamaadkii bishi May ay ku dileen Cabdullahi Xaji Daud waxana uu kamid ahaa qorshayaal dajiyaasha Al-shabab gaar ahaan isku xirka weerarada Kenya,Somalia iyo Uganda.