DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo war ka soo saaray dagaalada ka dhaca Magaaada Beledweyne

0

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar dabageed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaal beeledyada kusoo noq noqday gobolka Hiiraan , gaar ahaan degmada Baled weyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan aqbali dooni in uu dagaal dambe uu ka dhaco magaalada Baledweyne.

Beelaha ku dagaalama magaalada Baledweyne ayuu ugu baaqay in aysan mar dambe dagaal micno daro ah aysan ku dagaalamin gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Baledweyne.

Dabageed ayaa xusay hadii yihiin maamulka gobolka Hiiraan in ay diyaar u yihiin in ay dhex dhaxaadiyaan laba beelood ee ku dagaalama magaalada Baledweyne.

Waxa uu intaas hadalkii kusii daray gudoomiyaha gobolka Hiiraan in aysan jirin cid cid qaadan karta deegaanka ay leedahay , sidaas darteedna ay muhiim tahay in la heshiiyo oo nabada la qaato.

HALKAAN KA DHAGEYSO