Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Nabadoono iyo dad shacab ah oo fadhiyay goob Suuq ah oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Inta la xaqiiyay 2 Nabadoon oo lagu kala magacaabo Fanax Aadan iyo sidoo kale Maxamed Barre Diini ayaa ku dhintay Rasaasta ay fureen kooxaha hubeysan waxaana sidoo kale la sheegaya in ay dad ku dhaawameen.
Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Nabadoon Muuse Geelle oo ka mid ah waxgradka gobolka Galgaduud , waxaana sidoo kale 7 qof oo shacab ah.
Magaalada Caabudwaaq ayaa Caawa waxaa laga maqlaaya Rasaas sida ay Risaala u sheegeen dadka kunool degmada Caabudwaaq.
la soco Wixii soo kordha…