Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabudwaaq ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhaw dhaawaceen Nabadoon Muuse Geelle oo ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud.
Kooxihii dhaawaca u geystay Nabadoonka ayaa la sheegay in ay baxsadeen sida ay AGGM u sheegeen dad goob joogayaal ah.
Nabadoonka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa waxgaradka ugu caansan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Dhaawaca Nabadoonka ayaa la geeyay isbitaalka degmada Caabudwaaq , halkaasi oo lagu la tacaalaayo xaaladiisa caafimaad.