Ganacsatada Jaadka usoo dhoofin jirtay dalka Soomaaliya ayaa xaalad xun iyo qasaaro soo food saartay kadib markii Dowlada Soomaaliya ay si KMG ah u mamuucday Diyaaradihi jaadka ka keeni jiray dalka Kenya.
Rajesh Hirani oo kamid ah ganacsatada qaadka dalka Kenya iyo dadka sida weyn ugu ololeeya socodsiinta Jaadka ayaa sheegay in qasaaro badan uu ganacsatada kasoo gaaray joojinta jaadkii loo dhoofin jiray gobolada Soomaaliya.
Ninkan ayaa ugu baaqay Dowlada Kenya in ciidankeeda ay kala soo baxdo gudaha Soomaaliya maadaama la joojiyay qaadkii ay ganacsi ahaaan u geyn jireen Soomaaliya, waxa kale uu ku baaqay ganacsadahan in Dowlada Kenya ay xoojiso amaanka xuduuda ay Soomaaliya la wadaagaan.
Waxa uu tilmaamay Rajesh Hirani in Go’aanka Dowlada Soomaaliya ku joojisay jaadka uu jawaab u yahay go’aankii Dowlada Kenya ay ku shaacisay in ay xireyso xerada Qaxootiga Dhadhaab ee kutaala dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin xayiraada Dowlada Federaalka Soomaaliya kusoo rogtay jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, waxaana xayiraadaasi qasaaro badan ay kasoo gaartay beeraleyda iyo ganacsatada jaadka ee dalka Kenya.