Maxamed Khaliif Cumar Waa Wiil dhalinyaro ah oo Araga Naafo ka ah Waxa uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Xildhibaan ee u taagan Xilka Xildhibanimo ee Baarlamaanka Cusub.
Maxamed Waxa uu sheegay ka dib markii uu arkay dhibaatada iyo daryeel la’aanta heysata dadka Baahiyaha gaarka ah qaba iyo dadka araga Naafo ka ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay Maadaama loo baahan yahay in la helo dad matala dadka Baahiyaha gaarka qaba iney ku dhex jiraan Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Beesha uu ka soo jeedo uu ku qanciyay inuu noqdo Xildhibaan isla markaana uu rajeynayo inuu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub.
Maxamed Khaliif Cumar Waa Wiil dhalinyaro ah oo araga Naafo ka ah, Waana Wiil Jaamici ah oo Waxbarashada ka gaaray heer Jaamacad.
Hoos ka Dhageyso Codka:-