WAR DEG DEG:- Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay Goordhow Magaalada Muqdisho

0

Wararka inaga soo gaaraya Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Hotel Kuwait Plaza ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Walxaha Qarxa ay ku xirnaayeen uu ku Qarxay halkaasi.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa la sheegay in uu ahaa Surve, iyadoo Qaraxa Gaarigaasi uu bur bur ugeystay Goobaha Ganacsi ee halkaasi ku yaallay sida dad goob joogayaal ah ay noo sheegeen.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxa loo adeegsaday Gaariga Walxaha Qarxa ay ku xirnaayeen ee ku Qarxay Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Hotel Kuwait Plaza ee Magaalada Muqdisho.

FAAHFAAHINTA GOORDHOW KALA SOCCO ALLGALGADUUD MEDIA