Xildhibaan C/laahi Goodax Bare oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka jiraan Musuq maasuq aad u weyn.
Waxa uu sidoo kale sheegay Guddiga Maaliyada ee isaga uu ka tirsan yahay in ay arkeen Musuq maasuq ka jira Hay’adaha Dowladda, loona baahan yahay in wax laga qabto arimahaasi.
Waxa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ilgaar ah ku hayaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay Musuq maasuq ka dhex jiran.
Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa sidoo kale sheegay in aysan wanaagsaneyn in Hantida Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah.
Hadalka Xildhibaan C/laahi Goodax Bare ayaa ku soo aadaya xilli dhowaan la filayo in Dalka ay ka dhacaan Doorashooyin.
HALKAAN KA DHAGEYSO