Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa waxa ay si kulul uga hadashay Qoondadii Haweenka Ku yeelan lahaayeen oo la duudsiinayo sida xaaladu umuuqato.
Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayna iskugu yimaadene Gudiga Xaqiijinta Kuraasta Haweenka ku yeelanayaan Dawlada Cusub ayaa Warkaan ay ka sheegtay Wasiir Sahro oo ka carootay sida wax loo wado.
Sahro Maxamed Cali Samatar waxay sheegtay in Kulamo badan oo Haweenka yeesheen laga soo saaray qodobo wax ku ool ah oo lagu codsanayey in Xuquuqdii Haweenka aan la dayicin balse sida hadda loo jeedo god dheer lasii gelinayo.
Wasiir Sahro ayaa waxa ayaa madaxda qaranka ka codsatay inay meel cad ka sheegaan qoondada Haweenka ku yeelaanayaan Dawlada Cusub Ee Soomaaliya loo dhisi doono.
HALKAAN KA DHAGEYSO