Maxaabiis ku dhimatay xabsi ku yaal duleedka magaalada Addis Ababa

0

Tiro maxaabiis ah oo aan la aqoon ayaa ku dhintay dab ka kacay maxaabiis ku jirtey xabsi ay ku xirnaayeen dad ka dhigay mudaaharaadyo loogaga soo horjeedo dowlada Ethiopia

Rasaas ayaa laga dhex maqlay xabsiga Qilinto oo ku yaal duleedka magaalada caasimada ee Addis Abab kadib markii uu dab ka kacay gudaha xabsiga.

Dowlada Ethiopia ayaa xaqiijisay in ay dad ku dhinteen xabsiga halka ay warbaahinta gudaha ay ku tilmaantay in dadka dhintey ay gaarayaan ugu yaraan labaatan ruux.

Bilihii la soo dhaafay ayaa banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dowlada Ethiopia ay ka dhacayeen dalka Ethiopia. Sawiro lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa waxaa ka muuqanayay qiiq ka soo baxaya dhismaha xabsiga.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu si ulakac ah ay u bilaabeen maxaabiista ku jirta xabsiga iyagoo doonaya inay ka baxsadaan.

Waxaa jira banaanbaxyo is dabajoog ah oo ay dhigayeen dadka Oromada oo ah qowmiyada ugu badan dalka Ethiopia tan iyo bishii November 2015.

Xabsiga Qilinto ayaa ah xabsiga dadka lagu sii hayo iyagoo saddex sano ama kabadan dadka lagu hayo xabsigaas iyagoo sugaya maxkamad.

Wararka ayaa sheegaya in xabsiga uu qaadi karo illaa iyo saddex kun oo maxbuus iyadoo darbiyadana ay dhererkoodu gaarayaan inta u dhexeysa 12m illaa iyo 24 mitir.

Xabsigan ayaa ah mid ammaankiisa aad loo adkeeyo iyadoo ay ku xiran yihiin kaamerooyinka wax duuba. Waxaana lagu xiraa maxaabiis ha noqdaan kuwo arrimaha siyaasada loo xiro,saxafiyiinta iyo dadka ka soo horjeeda dowlada.