FAAHFAAHIN:- Qarax ka dhacay Shabeelaha Hoose

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay uu ka dhacay xalay fiidkii Duleedka Degmadaasi.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa Gaari ay la socdeen dad shacab ah lagula eegtay Deegaan 7 KM ujira Degmada Afgooye.

Sida Risaala ay u sheegeen Dadka Deegaanka Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay 2 Qof halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Degmada iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana halkaasi ay ka sameeyeen Howlgallo, inkastoo Howlgaladaasi aysan jirin cid lagu soo qab qabtay.

Maamulka Degmada ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano dheeraad oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falkan.