Pro Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Dibada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Idacadda Risaala ayaa sheegay Soomaaliya in ay u tahay nolol cusub shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD ee dhowaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in Soomaaliya ay ku sii talaabsaneyso hormar dhan walba ah maadaama ay marti gelineyso shir aad u culus iyadoo la ogyahay in Dalka uu hada uu ku jiro xaalad bur bur ah.
Xildhibaan Dalxa ayaa sidoo kale sheegay hadii ay yihiin Guddiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in taageerayaan shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD ee dhowaan ka furmaya Magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale sheegay in shirkan waxybaaha ka soo bixi doona ay rajeynayaan in Dowladda Soomaaliya ay waxyaabo badan ka faa’idi doonto.
Shalay ayay aheyd markii C/salaan Cumar Hadliye oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu sheegay in 10-ka Bishan uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono Shirka Madaxda Wadamada IGAD.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Wadamo ay ka mid yihiin South Sudan, Kenya, Uganda, Jabuuti, Ethiopia iyo Dalal kale.
Shirkan Urur Goboleedka IGAD ee ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa ah midkii ugu horeeyay ee lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay Soomaaliya dib ugu soo laabatay dhabaha horumarka.
HALKAAN KA DHAGEYSO