Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka warbixiyay safar uu ku aaday magaalada Muqdisho Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaweyd u dhoofay magaalada Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu safarkiisa la xiriiro, sidii uu uga qayb gali laheen Shirka Madasha Qarran oo la filaya inuu ka furmo Muqdisho.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay shirkaaan in looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin Doorashadda la filayo iney dalka ka dhacdo iyo nabadgelyadda dalka Soomaaliya.
Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Dowladda iyo Shacabka Puntland ugu baaqay iney iska kaashaaan nabadgelyadda.
HALKAAN KA DHAGEYSO