Ka dib markii shalay Magaalada Laas-caanood ay ka dhaceen rabshado sababay Gacan ka hadal oo u dhaxeeyay Booliska iyo dad shacab ah ayaa Maamulka Soomaaliland wuxuu sheegay in rabshadahaasi ay keeneen in xabsiga lagala baxo 3 ruux oo xabsiga ku ku jirtay kuwaas oo ku xukunaa Dil toogasho ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada cadaalada Maamulka Soomaaliland Yuusuf Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 3 ruux oo xabsiga Magaalada Laas-caanood ku jirtay lagala baxay xabsiga, isagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka Maamulka Soomaaliland, loona baahan yahay in ay u midoobaan shacabka iyo Dowladda sidii dadkaasi looga hortagi lahaa.
Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Soomaaliland ayaa tacsi udiray dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magaalada laas-caanood, isagoo dhanka kalena caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay rabshadahaasi.
Hoos ka Dhageyso Codka:-