XOG+FADEEXAD: Madaxtooyada Galmudug Oo Korantadii Iyo Biyihii Laga Jartay Iyo Madaxweyne Ku Xigeeka Oo Lagu Eedeeyay Sababta

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan korontadii iyo biyihii laga jartay xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee kutaala magaalada Cadaado, waxaana hada soo baxaya faah faahino dheeraad ah oo ku aadan sababta arintaasi ka dambeysay.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in xarunta Madaxtooyada Galmudug uu mudooyinkan dambe ku shaqeenayay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) laga jartay Korontada iyo Biyaha, hasa ahaatee dhoor maalin kahor ayuu Madaxweyne kuxigeenka waxa uu u safray magaalada Gaalkacyo waxaana Madaxtooyada gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Arinta layaabka eh ayaa dhacday kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir uu tagay Madaxtooyada, waxaana xaruntaasi gabi ahaan laga jaray Korontadii ,biyihi iiyo Raahinkii loo sameyn jiray Masuuliyiinta.

Madaxtooyada Galmudug ayaa saacado badan mugdi aheed, waxaana shaki dhaliyay sababta korontada loo jaray markii uu halkaasi ka tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana saacado badan kadib lagu guuleestay in dib loo soo celiyo adeegii Madaxtooyada.

Wararka soo baxaya Madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu Madaxweyne kuxigeenka uu arintan ka dambeeyay , waxaana Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta kal ee Galmudug isweediinayaan sababta loo jaray adeegii Madaxtooyada markii uu halkaasi ka tagay Madaxweyne kuxigeenka.

Dhinaca kale Maamulka Cadaado iyo waxgaradka magaaladaasi oo iyagu ka dambeeyay jarida korontada iyo adeega Madaxtooyada ayaa qiil u waayay sababta ay u jareen Koromtadii iyo Madxatooyada markii uu xaruntaasi tagay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

”Waxaa layaab nagu noqtay oo la isweediiyay waxa kalifay in Biyihii iyo korontadii laga jaro madaxtooyada markii uu Cali Gacal yimid, waxaa la weediiyay qolyihii arintaasi ka dambeeyay sababta ay sidaas u yeeleen waxa ayna sheegeen in maamulka ka cabanayaan xaquuqda uga maqan tahay , waxa aysa qiil u waayeen sababta isku soo beegtay in ay jaraan Korontada iyo biyaha Madaxtooyada markii uu baxay Madaxweyne kuxigeenka uuna yimid Gudoomiyaha Baarlamanaka ” Ayuu yiri Xildhibaan katirsan Galmudug.

Isku soo wada duuboo Maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid fadhiid ah oo kufashilmay qorshihii loo dhisay, waxaana inta badan magaalada Muqdisho kunool wasiiradii iyo xildhibaanadii maamulkaasi kuwaa oo waayay xaquuqdooda iyo meel ay ka shaqeeyaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media