Gudoomiye ku Xigeenka amniga ee Maamulka gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Kooxihii ka dambeeyay dil ka dhacay deegaanka biyo cadde ee gobolkaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada amaanka ay howlgalo joogto ah ka wadaan deegaanada gobolka Sh/Dhexe isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka dambeeyay dilkii ka dhacay deegaanka biyo cadde.
Gudoomiye Axmed Meyre Makaraan ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan xaqiijinta amaanka guud ee deegaanada gobolka Sh/Dhexe.
Dhawaan ayay ahayd markii dilal ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe gaar ahaan deegaanka biyo Cadde kuwaasi oo qaarkood loo geystay dad caan ka ah gobolka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-