DAAWO SAWIRRADA:- Banaanbixii ugu weynaa oo Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne iyo dadkii ugu badnaa oo isku soo baxay

0

Bannaanbax looga soo horjeedo Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo qorshaha dowladda iyo IGAD ayaa Maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dadka ku nool Magaalada Beledweyne kuwaasi oo muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay kaga soo horjeedaan qorshaha Dowladda iyo IGAD ay wadaan ee ku aadan Shirka Jowhar.

Boqolaal dad ah oo isugu jira dhalinyaro, haween, Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa Banaanbax ka dhigay Magaalada Beledweyne, waxa ayna sheegeen inay ka soo horjeedaan qorshaha IGAD iyo Dowladda ay wadaan ee maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

banaabax-radio-hiiraanweyn-4 banaabax-radio-hiiraanweyn-15 banaabax-radio-hiiraanweyn-17 banaabax-radio-hiiraanweyn-19 banaabax-radio-hiiraanweyn-28 banaabax-radio-hiiraanweyn-29 banaabax-radio-hiiraanweyn-30 banaabax-radio-hiiraanweyn-31 banaabax-radio-hiiraanweyn-34 banaabax-radio-hiiraanweyn-37 banaabax-radio-hiiraanweyn-41 banaabax-radio-hiiraanweyn-45