TOP DHAGEYSO:- Wasiir hore oo soo bandhigay Sir badan oo Amni darada Soomaaliya Sabab u ah

0

Waxaa hubaal ah in Amni darada Muqdisho uu saameyn ku leeyahay qof walbo oo shacab iyo Dawlad Ah maadaama aysan jirin wada shaqeyn dhinacyadaasi ah.

Hay’adaha Amniga ayaa waxa lagu Eedeeyey in sidii la rabay aysan wax uga qaban sugitaanka Amniga xarumaha Dawlada iyo Goobaha Shacabka iskugu yimaado.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqday Wasiirkii G/dhiga Dawladii Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Ka ahaa waxa uu sheegay inay jiraan gacmo aan Al Shabaab aheyn oo Amni darada ku lug leh.

Waxa uu Xuseen sheegay in Laamaha Amniga ay xil adag ka saran tahay sugida Amniga Shacabka iyo Xarumaha Dawlada oo si dhab ah loo shaqeeyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO