Shacbiga Muqdishow oo ku baaqay in aan loo dulqhaadan karin boobka Hantida qaranka iyo tan gaarka ah ee waqtiga kala guurka ah!

0

Waxay ahayd 28/08/2016 markii aan akharistay oo dhegaysatay warbixn qoraal iyo codad iskugu jirtay ee laga sameeyey dadweynaha Mogadishow oo makarafoon lala dhexqaaday waqtiga kala guurka xaalka dawlada sida uu yahay.

Dadka la wareystay waxay bulshada u soo gudbiyeen bayaan ku wajahan xaalada dhabta ah ee Dalka.Wxuu ahaa mid xambarsan dhiilo caloolxomo leh ,tiiranyo badan iyo qaylodhalaan kama danbaysa oo ku socota shacbiga Soomaaliyeed,kuna saabsanayd heerka musuqmaasuqa inta uu gaarsiisan yahay sida;-

-Adeegii bulshada oo ganacsi noqday oo ay ugu daran tahay hayadaha nabadgelyada , garsoorka maxkamadaha heer kasta iyo si xishood la,aan ah madaxda dawladu hantidii guud ee ummadda u dhacayaan.

-Hantidii guud ee qaranka oo aan loo aabayeelin dhammaan hayadaha dawlada sida Warshadahii faraha badnaa xarumahoodii,goobihii nasashada(jardiinooyinkii),xrumahii wakaaladaha iyo shirkadaha,hoteeladii ,goobtii ama fagaarihii lagu xusi jray maalmaha qaranka ,hantida gaarka ah ee dadweynaha oo sharciyo been abuur ah loo samaysanaayo oo qofkii lahaa laga dhacaayo ilaa ay gartay wixii yaraa ee bangiga u yaalay ummadda in si farsamaysan loola baxo ayada oo lacag beenabuur halkeedii la dhigay taas oo keentay ciidamadii iyo shaqaaalihii in ay u mushaar la,yihiin.

Isku soo wada duud dadka makarofoonka lala dhexqaaday bulshada waxay tilmaameen in dhibaatada inta badan boobka hantida qaranka uu ka socodo madaxtooyada oo ka samaynaysa lacag ay doorashada u adeegsato,sidaas si la midana masuuliin kale ayaguna dhac hantida qaranka ku hayaan ayaga oo aan cidna uga baqayn ,ilayn kuwii ka dhicin lahaa baa hortood faraha lagalay hawlahaase(fartii daahira baa wax daahirisa),waxaa ka sii daran adeega garsoorka ee maxkamadaha iyo dad isku xiran oo boobaya guryaha iyo dhulalka dadka gaarka ah oo loo samaysanaayo shrciyo beenabuur ah.

Baaqaaan qaylodhalaanta ah oo dadkii makarofoonka lala dhexqaaday soo jeediyeen waxay shacbiga u soo jeediyeen in loo baahan yahay in Dalka laga badbaadiyo bahalada u tafaxaytay in aysan waxba noo hanbayn oo arintu mudan tahay kacdoon dadweyne,waxaana ku darayaa aragtidayda oo ah xaaladu waxay tagan tahay Haddii aan shacbigu jiritaanka iyo sharfta Dalka u istaagin oo ka gelgilan waxa maanta jira magaca Soomaaliya wuxuu qarka u saran yahay sidii loo waayey Jofislafaakiya iyo Midowgii Soofeedka,sidaas darted bulshada Soomaaliyeed dhamaan meel ay joogtaba ha ku baraarugto arintaan oo yaan la fududaysan inta goori goor tahay.

Wabilahi towfiiq.

Cabdullaahi Jimcaale Faarax