WAR DEG DEG AH:- Mid ka mid ah Howlwadeennada Hotelka SYL oo ku dhaawacmay Qaraxa ka dhacay SYL

0

Qarax ayaa laga maqlay agagaarka Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka mid ah ah Dadka la xaqiijiyay ilaa hadda in ay ku dhaawacmeen Bashiir Max’ed Sabriye, oo ka mid ah howlwadeennada hoteelka SYL.

Qof ka mid ah maamulka Hoteelka ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal Radio,in darbiga Hotelka qeybta xigta Madaxtooyada Soomaaliya ay baaba’day islamarkaana a=uusan hadda jirin darbi uu leeyahay Hotelka.

Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku howllan qaadidda dhaawacyada iyada oo aanay jirin Rasaas ka dhaceysa gudaha Hotelka,waxaana jiray kaliya Qaraxa ka dhacay darbiga Hotelka.

La soco wixii ku soo kordha wararkan,hadba sida aan u helno ayaan idin kugu soo gudbin doonnaa Insha’allah.