XOG: Maxamed Ugaas Xaashi Oo Maanta Ka Baaqday Safar Uu Ku Tagi Lahaa Magaalada Kismaayo, Maalmaha Soo Socdana Tagaya.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena sida aadka ah ugu dhaw Maxamed Ugaas Xaashi ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamed Ugaas Xaashi in uu maanta ka baaqday safarkii uu ku tagi lahaa Magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Maxamed Ugaas Xaashi uu maalmaha soo socda uu tagayo magaalada Kismaayo isaga iyo wafdi la socda.

Warbaahinta AGGM ayaa shalay shaacisay safarka Maxamed Ugaas Xaashi uu ku tagayo magaalada Kismaayo iyo in Xasan Sheekh Maxamuud uu dhex dhexaadin ka dhex waday Maxamed Ugaas Xaashi iyo Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ma ay ahan markii ugu horeysay oo la dhex dhexaadiyo Maxamed Ugaas Xaashi iyo Axmed Madoobe balse horey ayaa loo dhex dhexaadiyay islamarkaana uu Maxamed Ugaas Xaashi ka dagay magaalada Kismaayo, waloow markii dambe uu isga soo haluulay magaaladaasi isagoo Warbaahinta ka sheegay in magaaladaas uu ka socdo Xasuuq lala beegsanayo beel kamid ah beelaha daga Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo waxaan dhoowrnaba waa halka Maxamed Ugaas Xaashi uu ku furo Beesha SADE iyo safarka uu ku tagayo Magalaada Kismaayo iyo natiijada kama dambeysta ah ee kasoo baxda safarkiisa iyo heshiiska isaga iyo Axmed Madoobe.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media