TOP DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo sheegay inay sugayaan Ciidamada AMISOM

0

Sida ay horey ugu heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada magaalooyinka ay ka dhacayaan Doorahsda xubnaha Baarlamaanka Labada Aqal waxaa la geynayaa ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaas oo loogu talagalay in ay amaanka sugaan.

Magaalada Cadaado ayaa ka mid ah meelaha loo qorsheeyay in ciidanka AMISOM amaankooda ay sugaan.

Cumar Maxamed Diiriye oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay sugayaan dhowaan inta ka horeysana ciidanka Galmudug ay sii sugayaan amaanka Ergooyinka gaaraya magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Galmudug kuwaas oo laga sugayo in ay diyaariyaan Ergooyinka soo dooranaya xubnaha Baarlamaanka Aqalka Hoose .

HALKAAN KA DHAGEYSO