DOOD XIISO BADAN:- 10-ka September Kadib: Xasan Sheekh Ma Lahaan Doono Awoodaha Dastuuriga Ah Ee Madaxweynenimo

0

Waxaa magaalada Muqdisho la hadal-hayaa waxa dhacaya marka uu dhamaado xiliga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku eg September 10, 2016-ka.

Goobjoog News ayaa dood dhex-dhigtay asxaabta dalka, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah, dadka Goobjoog la hadlay waxaa ka mid ah: Faadumo Dhayib, Tarsan, Zakariye Maxamud, Xildhibaan Boqorre, Shirwac iyo rag kale, axsaabta waxaa ay qabaan in Xasan Sheekh uu Villa Somalia ka dhex baxo marka uu xiligiisa dhamaado halka bulshada rayidka ku doodayaan in 50-ka maalmood ee loogu daray madaxweynaha aan buuq la gelin, Laakin  arrinta ay labada dhinac ka mideysan yihiin waa in Xasan Sheekh awoodihiisa madaxweynenimo ee dastuuriga ah ay ku egyihiin September 10, 2016-ka….xitaa haddii uu Care taker ama sii haye ahaado.

Faadumo Qaasim Dhayib oo ah aqoonyahanad iyo murashax la filayo ayaa  Goobjoog News u sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu waqtigiisa dhamaanayo September 10, 2016-ka, isagoo-madaxweynaha- sida ay sheegtay maalinta xigta noqonaya qof rayid ah oo iyada iyo Soomaalida kale la mid ah.

Mar aan sababta weydiiney Faatima waxaa ay ku dooday in uu Xasan Sheekh murashax madaxweyne yahay isla markaana ay dhici karto in uu si qaldan u isticmaalo awoowaha xafiiska …..arrintaas oo dhammaantood ay sheegtay in aanu xaq u laheyn in uu ku tasarufo taariikhdaas kadib, Dhayib waxaa kaloo ay ku dheeraatay waxqabad la’aanta madaxweynaha iyo xukuumadiisa ee 4-tii sano ee la soo dhaafay.

Maxamed Axmed Nuur Tarsan waa guddoomiyaha Xisbiga Cadaallada bulshada iyo murashax madaxeyne, ninkan waxaa uu qabaa in Xasan Sheekh aanu maalin ku darsan Karin waqtiga xilkiisa, isagoo sheegay in sidaa ay ku qoran tahay qodobka 91aad ee  dastuurka dalka oo qoraya:

“Qodobka 91aad. Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka.

Tarsan waxaa uu sheegay in isaga iyo axsaabta dalka ka jirta ay qabaan in Xasan Sheekh uu xilka iska wareejiyo September 10 isla markaana sida dastuurka uu qabo guddoomiyaha baarlamaanka uu ahaado sii haye ama Care Taker,  si uu shaqo maalmeedkii dowladda iyo doorashooyinka u dhacaan ayuu intaa raaciyay.

“ 11ka September, Xasan Sheekh madaxweynimo uma aqoonsanin, waa rayid” ayuu ku jawaabay mar aan weydiiney waxa ay yeeli doonaan haddii sida ay wax u rabaan u dhici waayaan.

Mar aan wax ka weydiiney baarlamaanka iyo waqtiga uu ku darsaday waxaa uu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay si aqlabiyad ah ku meelmariyeen in ay sii joogaan inta mid kale ka badalaayo, oo hadda baarlamaanka sharci ayuu ku joogaa, Laakin madaxweynaha jidkaa ma marin ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Ra’yi midkaas la mid ah waxaa qaba  Zakariye Maxamud Xaaji oo ah guddoomiyaha xisbiga Xisbiga Ummah, ninkan dambe waxaa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurka ceyrinayo.

“Waa murashax, waa sharci darro in awood aanu laheyn  uu raadiyo, mudadiisa marka ay dhammaato, waa rayid, waa murashax caadi ah, hanala soo simmo adeer, Kama yeeleyno in lacagta iyo TVga qaran si qaldan loo isticmaalo” sidaa waxaa Goobjoog u sheegay Zakariye Maxamud Xaaji.

Mar aan weydiiney cabsida iman karta haddii power vacuum dalka ka dhaco ama awoodda ay banaanaato, Zakariye waxaa uu leeyahay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa noqonaya sii haye ama Care Taker, inta madaxweyne laga dooranayo.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo Goobjoog la hadlay waxaa uu qabaa in siyaasadda ay wax kasta macquul ka dhigeyso  sidaa darteedna madasha warkeeda la qaato oo la eego halka ay arrinta ku biyo shubato, Boqorre waxaa uu sheegay in sii joogitaanka madaxweyne Xasan Sheekh aanu sharci aheyn balse uu soo dhaweynayo wixii ay wax ku hagaagayaan, Afdaboolan waa dahab ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Abuukaate Ciise oo isna Goobjoog  News arrintan kala hadlay waxaa uu ka hadlay in mararka qaar haddii duruufo dhacaan ama arrin lama filaan ah timaado loo baahan yahay in aado wixii lagama maarmaan ah iyo la isticmaalo sharciyo gaar ah oo xitaa Islaami ahaan loo yaqaano“Fiqhi Al-daruura” taasi oo ay madasha sameysay sida ay isaga la tahay.

Abuukaate Ciise waxaa uu la yaabey dadka ku doodaya in joogitaanka Xasan Sheekh aanu sharci aheyn Xilli ay ogol yihiin nidaamka doorashada dadban oo madasha aliftay markii qof iyo codkii lagu guul-dareystay iyo xitaa guddi doorasho oo ka duwan kii dastuuriga ah oo ku yimid go’aanka madasha qaran.

Ugu dambeyntii waxaa uu Abuukaataha sheegayaa in madaxweynaha uu sii ahaanayo oo keliya September 10, wixii ka dambeeya Care Taker ama Sii haye oo aanu lahaan doonin awoodaha madaxweyne ee dastuuriga ah ee uu haatan leeyahay, isagoo aan qaban Karin arrimo iyo goaano aan caadi aheyn.

Dhinaca kale Waxaa Goobjoog News isla arrinta muddada madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Cabdulahi  Shirwac oo ah guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka, Shirwac waxaa uu qabaa in 50 maalmood oo madaxweynaha loogu daray loo dul-qaato, isagoo intaa raaciyay in go’aankaas uu ku yimid si dalka looga badbaadiyo qal-qal siyaasadeed iyo buuq.

Shirwac waxaa uu soo jeediyay in Xasan Sheekh uu ahaado sida madasha ku talisay Care Taker oo aanu awoodo badan laheyn, xafiiskana uu ku wareejiyo qofka la dooran doono October 30.

Hadaba sida ka muuqata doodda, Madaxweyne Xasan Sheekh wixii September 10 ka dambeeyay awoodaha uu hadda heysto ma sii jiri doonaan xitaa haddii uu Care Taker ahaado, oo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ay ku egyihiin September 10, 2016-ka.