DHAGEYSO XASAASI:- Siyaasi Kashifey Ujeedada laga leeyahay Qaraxyada & Dagaalada Gaalkacyo Lagu hurinayo?

0

Siyaasi Cabdi-Daahir Maxamed Yuusuf (Yeey) oo kamid ahaa Musharaxiintii u tartantay Madaxweyne-nimada Puntland sanadkii 2014-kii, kana soo jeeda gobalka Mudug ayaa si adag uga hadlay xaaladdaha ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Mr, Yeey oo wareysi siiyey Idaacadda maxaliga ah ee Daljir ayaa ku sifeeyey waxyaabaha ka socda Gaalkacyo, kuwa laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed lana doonayo in Is hor istaag lagu sameeyo doorashooyinka dalka loo qorsheeyey in ay ka dhacaan.

Siyaasigan wuxuu tilmaamay in aysan Puntland cidnana marti uga ahaaneyn sugida Amaankeeda, go’aamadii soo baxayna ay yihiin kuwa yimid xili loo baahnaa, wuxuuna kaloo cadeeyey in cidii leh dano kale ay ka murmi karto, laakiin go’aamadan ay yihiin kuwa dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

Mar la weydiiyey ujeedada xiligan kala guurka ah ku soo beegtay Arrimaha Gaalkacyo, ayuu cadeeyey in aysan Siyaasad meesha ka marneyn lagana soo horjeedo horumarka iyo kala dambeynta ka hana qaaday Puntland.

In Puntland Madaxda & Shacabka laga mashquuliyo Hanaanka doorashada iyo sidii ay deg deg ugu qabsoomi lahayd ayuu sheegay in ay qeyb ka tahay arrimaha loogu furayo jiidaha dagaal ee cusub iyo qaraxyada lagu xasuuqayo Shacabka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO