DAAWO:- Sida uu u dhacay howlgalkii Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa baahiyay sawirraan muujinaaya xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab, ee lagu qabtay hawlgalka laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Xubnaha la qabtay oo tiradoodu lagu sheegay shan nin, ayaa waxaa ku jira nin ajnabi ah oo u dhashay dalka Sudan, laguna magacaabo Saciid Cabdalla Abuu Bakar Al Sudani.

Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, ayaa Wakaaladda Wararka Somaliya (SONNA) u sheegay in Al Sudani uu Shabaabku u qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.

Abaan Duulaha, ayaa ku waramaaya in xubnaha ka tirsan mintidiinta Al Shabaab lagu soo qabtay hawlgal qorsheysan, balse ma sheegin haddii hawlgalkaasi uu khasaaro gaystay.

Hawlgalka lagu soo qab qabtay xubnahaan, ayaa waxaa fuliyay Ciidanka Kumaandooska Somaliyeed ee Danab, xilli ay Sabtidii fariisimo ka samaysteen Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo kala qayb qaadanaysa la dagaalanka Al Qaacidada Somaliya, balse looga baahan yahay in ay iskaashi la sameeyaan hay’adaha ammaanka Galmudug.

Madaxweyne Guuleed, ayaa sheegay in reer Galmudug ay ku caan baxeen la dagaalanka argagixisada iyo ka shaqaynta nabadgelyadda, sidaasi daraadeedna aanay Galmudug aqbali doonin inay hoy u noqoto argagixisada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Danab1 Danab-1 Danab2 Danab3-1 Danab4 Danab5 Danab5-1 Danab6 Danab7 Danab8 Danab9