XOG RASMI:- Maxaa keenay dibu dhaca Warmurtiyeedka Shirka Madasha Wadatashiga & Hogaamiyaasha oo Is haya arrimaha qaar ?

0

Kulamada Madasha Wadatashiga ee Soomaaliyeed ayaa lafilayey in galabtay lasoo xiro, iyadoo bahda Saxaafada looga yeeray Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, balse goor dambe ayaa la xaqiijiyey in uu baaqday shirku, ka dib markii ay dhinacyadu isku fahmi waayeen qodobada qaarkood.

Hoggaamiyasha Madasha Qaarkood ayaa qaarkood maanta ku biiray wada xaajoodyadan, gaar ahaana Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xasan Guuleed oo dib ugu soo laabtay gudaha Soomaaliya.

Saxiixa Heshiiskii ugu dambeeyey oo ay gaaraan Madaxda Siyaasada Soomaalida ayuu noqon lahaa midka hadda lafilayo, inkastoo ilaa hadda aan si buuxda layskugu raacin qorshaha doorashada ee rasmiga ah.

Cidda sugeysa amniga doorashada, Dhaqaalaha sida loo kala bixinayo, Dawlad gobaleedyada sida ay uga dhacayso doorashadu iyo arrimo muhiim ah ayaa noqday qodobada ugu muhiimsan ee aysan wali go’aan rasmi ah laga gaarin.

Warar ku dhaw dhaw Madasha ayaa sheegay in berri subax galinka hore lafilayo in lasoo xiro kulanka oo Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya uu ka dhaco kulan Quraac ah oo ay agaasintay dawladda Faderaalka ee Soomaliya.