TOP:- Madaxweynaha Galmudug oo maanta ku biiraya shirka Madasha Wada-tashiga qaran

0

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ka socdo shirka Madasha Wada-tashiga qaran.

Madaxweyne Guuleed ayaa dhowaan qalliin dhinaca wadnaha lagaga sameeyay dalka Hindiya, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kadib markii qalliinka lagu sameeyay uu sheegay in xaaladiisa cafimaad ay wanaagsan tahay.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Guuleed ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in gaba gabada shirka Madasha uu ka qeyb geli doono.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shirka madasha ka maqnaa, waxaana matalayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Guuleed uu saxiixi doono war murtiyeedka shirka lagu wado in laga soo saaro.

Shirka Madasha Wada-tashiga ayaa maraya marxaladihii u dambeeyay, kadib afartii maalmood oo madaxda wada hadalo u socdeen, kaasoo ay go’aano kaga gaarayeen doorashooyinka sanadkan dhacaya.