DHAGEYSO: Ardaydii gashay Imtixaanka Dugsiyada Sare oo la siin doono shahaadooyinkooda

0

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Dr C/qaadir Cabdi Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Ardaydii gashay Imtixaankii mideysan ee dhowaan dowladda ay qaaday in la siin doono shahaadooyinkooda.

Wasiirka ayaa sheegay in amar uu ku bixiyay mudo 4 maalmood gudahoodaa Ardayda gashay Imtixaanaadka mideysan in shahaadooyinkooda lagu siiyo, maadaama uu sheegay qaarkood shaqooyin iyo waxbarasho dibadda ah ay ku aadi lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada Waxbarashada sanadkan ay ku guuleysatay in Imtixaan mideysan laga qaado Ardayda ku nool magaalada Muqdisho iyo kuwa gobolada marka laga reebo gobolka Hiiraan, kuwaas oo uu sheegay in aysan u suura gelin markii Imtixaanaadka la galayay in ay u fariistaan.