DEG DEG+DHAGEYSO:- Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo loo qabtay Saacado kooban inuu kaga baxo Buuhoodle

0

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Buuhoodle C/fataax Geesdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Cali Khaliif Galeyr looga baahan yahay in si deg deg ah uu uga baxo degmada Buuhoodle.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan wada hadalka u dhaxeeya maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland, isagoo saacado u qabtay Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Khaatuma in uu kaga baxo Buuhoodle.

Cali Khaliif Galeyr oo ah Madaxweynaha Maamulka Khaatuma ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay wada hadalo la sheegay in ay u socdaan maamulkiisa iyo sidoo kale maamulka Soomaaliland.

Madaxweyne Galeyr ayaa waxa uu sheegay in wada hadaladan looga gol leeyahay in dadka ku nool deegaanada Khaatuma iyo Soomaaliland ay si nabad ah ku wada noolaadaan sidoo kalena loo dhameyn lahaa khilaafaadka u dhaxeeya.

Gobolada Sool iyo Sanaag oo uu sheeganayo in uu ka arimiyo Khaatuma ayaa waxaa isku heysta maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO