Waxaa wali sii xoogeysanaya Dibad baxyada Qabaliga ah ee ka socda Dalka Ethopia kuwaas oo ku faafay Deegaano badan oo ka tirsan Dalkaasi.
Qowmiyadaha Oromo iyo Amxaarada, ayaa waxay qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaasi ka wadaan bannaanbaxyo, ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda iyagoona weeraro toos ah kaga hortegaya Dowlada.
Dhinaca kale deegaanada ay maanta gilgileen dibedbaxyada ayaa qaarkood waxaa naloogu sheegaya inay kala yihiin Dodola, West Arsi, Robe, Bale, Shebel town, Anfill district, Qellam Walaga, Adama, Bate, Haramaya district, East Hararge, Chiro, West Hararge, Qobo, East Hararge iyo deegaano kaloo badan.
Isku soo wada duuboo Xaaladda dalka Itoobiya ayaa ah iminka mid Cakiran, waxana marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya Banaan baxyada, waxana jira deegaano laga qabsaday Xukuumada dalka Itoobiya.
Hoos Ka Daawo Video-ga iyo Sawirrada