DAAWO SAWIRADA:-Mucaaradka Suuriya oo Magaalada Aleppo ka saaray go’doomintii ay ku jirtay

0

Xoogaga dagaalka kula jira Dowladda Madaxweyne Bashar al-Assad, ayaa waxay shaaciyeen inay jebiyeen Ciidamadii Militariga, ee xaaladda go’doominta ku haayay Magaalada Aleppo.

Waxaa maanta Bariga Magaalada Aleppo gaaray gaari siday khudrad, ka dib markii mucaaradka oo halkaasi maamula uu suurta-geliyay in uu Sabtidii dib u riixo Ciidamada Militariga.

Isu soo bax wayn, ayay sameeyeen dadka ku dhaqan Bariga Magaalada Aleppo, markii uu soo shaac-baxay in la riixay Ciidamada Militariga Xukuumadda Damascus, oo kaashanaaya maleeshiyaad Shiico ah.

Militariga Suuriya oo wata diyaaradaha dagaalka, ayaa Axadii maanta bilaabay inay garaacaan kooxaha mucaaradka, si ay markale u soo celiyaan go’doomintii ay ku hayeen xaafadaha ay kaga sugan yihiin Magaaladaasi.

Sarkaal u hadlay xoogaga mucaaradka, ayaa xaqiijiyay inaanay rayidku si caadi ihi u adeegsan karin wadooyinka, xilli kastana ay suurtagal tahay inay waxyeelo ka soo gaarto hubka dagaalka leesku adeegsanaayo.

Wakaaladda Wararka Suuriya, ayaa maanta qortay in dagaalku uu ka sii soconaayo aaggii ay Ciidamada Militarigu ka go’doominayeen Bariga Aleppo.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta Caalamka u sheegay in dagaalkii shalay si wayn looga gacan sareeyay Ciidamada Militariga, balse ay maanta bilaabeen inay soo rogaalceliyaan.

Tan iyo markii Ruushka uu bishii September ee sanadkii hore uu fara-gelin militari ku soo sameeyay dalkaasi, ayaa waxay taasi soo noolleysay awoodda Madaxweyne Assad, oo ka hor inta aanu Ruushku ku soo biirin dagaalka, uu u muuqday mid uu gabalkiisu sii dhacaayo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 6 7 8