WAR DEG DEG:- Gaari Dalxiisayaal Ajaanib ah la socdeen oo la weeraray

0

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Dawlada Dableey Hubeysan ayaa weerar waxay ku qaadeen dad dalxiisayaal ah oo gaari ay la socdeen la rasaaseeyey.

Weerarka oo dhacay goor dhaweyd ayaa la beegsaday gaari meliteriga Afgaanitsaan lahaayeen oo Ajaanib Dalxiis ahaa lagu siday.

Galbeedka Afgaanistaan ayaa weerarka uu ka dhacay gaar ahaan Degmada Chesht-e-Sharif waxaana loo maleenayaa in Kooxda Daalibaan ay weerarkaasi ka dambeysay.

Gaariga ayaa la xabadeeyey isagoo maraya Heart kana yimid Bamiyan waxaa sidaa xaqiijiyey Jilani Farhad oo ah Afhayeenka Gobolka Herat ee weerarku ka dhacay.

Saraakiil katirsan Dawlada Afgaanistaan waxay sheegeen in lix qof weerarkaasi lagu dhaawacay mana jirto Ajaanibtaasi waddanka ay udhasheen cid xog ka heshay.

Kooxda Daalibaan weli kama aysan hadlin ama ma aysan sheegan mas’uuliyada weerarkaasi manta ka dhacay dalka Afgaanistaan ee Dalxiisayaasha Reer Galbeedka lagu beegsadya.