Wararka ka imaanaya Gobolka Waqooyi Beri Kenya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Degaanka Finow oo Hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Beri ee Soomaalidu ay degto.
Dagaalka ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha Dagaalka Kenya,waxaana uu yimid ka dib markii Shabaab Degaankaas ay weerar ku qaadeen.
Dagaalka dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Shabaab ayaa la sheegay in ay Waxyeelo ka soo gaartay Dadka Rayidka ah ee Halkaas ku nool.
Inkastoo aan si dhab ah loo ageyn Khasaaraha Dagaalka ayaa Wararku waxaa ay sheegayaan inuu Jiro Dhimasho iyo Dhaawac dagaalka ka dhashay.
Degaanka Finow ayaa Al-shabaab ay horay u Weerareen,waxaana Weerarkaan uu noqonayaa madkii Labaad.