Saraakiil ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka Uganda ayaa doonaya in ay ka saaraan dastuurka dalka Uganda xadka da’ada ee Madaxweynaha dalkaas si uu mar kale ugu tartamo Yoweri Musaveni xilka madaxtinimada dalkiisa.
Museveni oo talada dalka Uganda markii hore si xoog ah kula wareegay sanadkii 1986kii ayaa dib loogu doortay in uu talada dalkaas hayo illaa laga gaarayo 2021 bishii Febraayo ee sanadkan doorasho uu khilaaf hareeyay.
Madaxweynaha dalka Uganda Museveni oo dhamaadka sanadkan u buuxsamaysa 72 sano jir ayaa dastuuriyan waxa ka mamnuuc ah in uu markale u tartamo madaxtinimada dalkiisa balse waxa uu isu soo taagi karaa haddii xildhibaanada baarlamaanka ay baabi’iyaan qodobka diidaya in uu markale tartamo.
Afhayeenka madaxtooyada Uganda Don Wanyama ayaa sheegay in koox ka mid ah xisbiga Museveni ay dhowaan soo bandhigeen qorshayaal lagu joojinayo xadka da’ada ee musharaxa madaxweynaha dalka Uganda.
Arrintan ayaa waxa ay u sahlan tahay xisbiga talada haya maadaama ay ku leeyihiin aqlabiyad ay go’aan ugaga gaari karaan wax ka bedelka dastuurka dalka Uganda.
Sanadkii 2005tii ayaa sharci dejiyaasha dalka Uganda waxa ay wax ka bedeleen dastuurka oo xadeynayay mudada uu qofka hayn kara madaxtinimada dalka, waxayna sheegeen in Museveni ay dadka jecel yihiin sidaa awgeed uu isu soo taagi karo doorashada.
Waxayna taasi sababtay in saddex jeer uu doorasho u tartamo Museveni kuna guuleysto iyadoo mucaaradkana ay caddaalad darro tirsanayeen.Dadka u dhuundaloolaa siyaasada dalka Uganda ayaa aaminsan in uu doonayo Museveni in uu talada dalkiisa haayo inta uu nool yahay.
Hase yeeshee, markii uu xukunka dalkiisa kula wareegay dagaal jabhadaysan wuxuuna ku jeesjeesi jirey hogaamiyaasha Afrikaanka ah isagoo ku eedeyn jirey mudada dheer ee xilka hayaan. Balse hadda ayaa waxaa uu wajahayaa Museveni eedeymo ah in uu jecel yahay in uu xukunka weligii hayo.