TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo soo saartay Digniin ka dhan Siyaasiyiinta iyo Arimo xasaasi ah oo la hadal hayo

0

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa uga digay Siyaasiyiinta Soomaaliyed inay arimo Siyaasadeed u adeegsadaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho ka dhaca.

Muddooyinkaan dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay geysanayaan Ururka Al Shabaab, iyadoo dadka reer Muqdisho walaac xoogan ay ka muujiyeen xaalada ammaan ee dalka.

C/risaaq Cumar Maxamed, waxa uu sheegay iyadoo ay jiraan falalkaasi lidiga ku ah dhanka ammaanka Siyaasiyiinta in aan loo baahneyn in arimo Siyaasadeed ay u adeegsadaan qaraxyadaasi oo aysan Dowladda ku dhaliilin inay wax ka qaban weydo dhanka ammaanka iyo ka hortagga qaraxyada Shabaabka fuliyaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO