TOP DHAGEYSO WARBIXIN:- Muxuu ku saabsan yahay shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka furmaya Muqdisho ?

0

Golaha Qurba joogta Soomaaliyeed oo la aasaasay 2014kii laguna dhisay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayaa waxaa ay Sanadkan Shirk u yeelanayaan Magaalada Muqdisho.

Cabdi Baaruud,waxaa xoghayaha Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee GSD,waxaa uu Idaacadda Mustaqbal uga warramay Shirka ay Bishan August ku yeelanayaan Qurbajoogta Magaalada Muqdisho iyo ujeeddooyinka Shirka.

Qurba jog,badan ayuu sheegay in ay dalka dib ugu soo laabteen kuwo kalena imanayaa,waxaana uu intaa ku daray in ujeedka laga leeyahay Shirkaasi uu yahay dhiirro gelinta Shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in Dad Cadow ku ah ay isku direen,kalsoonida iyo isdhexgalka Umadda Soomaaliyeedd sidii lagu soo celin lahaa ayuu sheegay in ay ka mid tahay qorshaha kulanka ay Qurbajoogta ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Cabdi Baaruud,sheegay in Dadka gudaha iyo kuwa Dibadda ay ka wada qeyb gali doonaan Shirkaasi ay qurba joogta ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho,waxaa uu intaa ku daray in Dadka qurbaha ka imanaya iyo kuwa aan dalka ka bixin ay yihiin Dad isku mid ah,sidii ay isu dhexgali lahaayeen ka shaqeyn doonaan.

Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ayuu sheegay in markii hore loo sameeyay in ay mideeyaan Qurbajoogta haddana ay billaabayaan ka shaqeynta isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayuu sheegay in ay ka soo qeyb gali doonaan 2,000 oo Qof oo Qurbajoog iyo Dadka gudaha ahba isugu jira,waxaana uu ujeedka ugu weyn ku sheegay baraarujinta Shacabka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO