Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay in deegaanada maamulka Somaliland lagu sameeyo Baasaboorka Soomaaliya waxayna sheegeen in aysan arintaasi ogolaan doonin.
Taliyaha Laanta socdaalka Maamulka Somaliland Maxamed Saxardiid ayaa sheegay in ay jiraan wararka sheegaya in Baasaboorka Soomaaliga lagu sameeyo deegaanada maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay in baasaboorkaasi uu la mid yahay baasaboorada kale ee aduunka.
Saxardiid ayaa uga digay muwaadiniinta Somaliland in ay Baasaboorka Soomaaliga u isticmaalaan sida baasaboorka Somaliland oo kale.
HALKAAN KA DHAGEYSO