Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo Maanta la soo Gabagabeynayo iyo Qodobo Xasaasi ah oo laga soo saarayo

0

Shirka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa galay maalintii labaad waxaana maanta  diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka sanadkaan .

Qaar ka mid ah madaxda dowladda  ayaa sheegay in shirka diirada lagu saarayo habka mowduuca muhiimka u ah doorashada dadban ee sanadkan 2016-ka iyo dhaqan gelinta hannaanka doorashada iyo sidoo kale in la shaaciyo waqtiga ay dhacayso doorashada.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa maanta lagu wadaa  in lasoo gabagabeeyo Madasha Wadatashiga Qaran lagana soo saaro qodobo muhiim ah .