Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo dalka kusoo noqday ayaa ka hadlay Arrimaha Puntland, waxaana uu sheegay in dalka hindiya oo xaalad Caafimaad uu u jiray uu kasoo noqday.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland in dalka ay ka warhayeen warbixintiisa, ayna si dardar leh u soconaysay hawlaha Dawladda Puntland, waxaa uu na intaas ku daray in shacabka Puntland uu ugu hambalyaynayo sanadguurada 18 aad ee aas aaskii Puntland.
Soomaaliland ayuu uga digay faragalinta ay ku hayaan dhulka Puntland, waxaana uu sheegay in aa loo dulqaadan Karin faragalintaas.
HALKAAN KA DHAGEYSO