Shir looga hadlayo tayeynta iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee maamul goboleedyada ayaa maanta lafilaya in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socda dowlad goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya , sida Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo sidoo kale xubno matalaaya gobolada aan wali loo sameyn dowlad goboleed.
Yaxye Cali Ibraahim oo ah xoghayaha joogtada ah wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaan lagu tayeynaayo dowladaha Hoose maamul goboleedyada.
Shirkaan ayaa ah midkii shanaad waxaana horay loogu soo qabtay qaar ka mid caasimada dowlad goboleedyada sida Kismaayo , iyo Cadaado.
Hoos ka Dhageyso Codka:-